Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 2 February 2013 13:11

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ka Khudbeyndoona Chatham House, London

London (KON) - Waxa lagu wadaa maalinta Isniinta ee 4ta bisha in madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud uu khud dheer ka jeediyo aqalka Chatham House ee ku yaala London.

Teaser Image Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ka Khudbeyndoona Chatham House, London

Chatham House oo la dhisay qarnigii 18aad ayaa waxa ku yaala mac-hadka labaad ee aduunka ugu weyn ee lagu barto xiriirka caalamiga ah. Aqalkan ayaa sidoo kale loo yaqaan The Royal Institute of International Affairs waxaana uu madaxweynuhu ka jeedin doonaa khudban uu uga hadlayo arimaha siyaasada Soomaaliya iyo isbadalka weyn ee kusoo kordhay Soomaaliya iyo waliba mustaqbalka arimaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxu si khaasa u taaban doonaa sharciyadda iyo midnimada Soomaaliya iyo doorka Soomaaliya ay ku yeelan doonto gobolka Geeska Afrika, iyo dhisitaanka ciidamada qalabka sida.

Wuxu kaloo xoogaa saari doonaa, sida beesha caalamku ay ku caawin karto Soomaaliya si deganaanshihii uu mar kale dib ugu soo laabto.

Khudbadda Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa si toosa looga daawan karaa aaladda Live Stream, madka ay saacaddu tahay 17:30 GMT ama 8:30 fiidnimo waqtiga Soomaaliya.

Ka Daawo Live Streamka Bogga Keydmedia Online Insha Allah

Wadanka / Keydmedia Online - Xafiiska London

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top