Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shabaabka oo lagu laayay Duleedka Afmadow - Daawo
Kismaayo (Keydmedia) - Inka badan 10 ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda xagjirka ah ee Shabaabka ayaa xalay lagu dilay duleedka degmada Afmadow ee gobbolka Jubbada Hoose xili ay Maleeshiyaadkaasi doonayeen inay weerar gaadma ah ku qaadaan fariisimaha Ciidamada Gaandi iyo kuwa Raaskaambooni.
Caamir Aadan oo kamid ah Saraakiisha Kooxda Raaskaambooni ayaa Keydmedia u sheegay inay fashiliyeen weerar ay Maleeshiyaadka Shabaabku ay doonayeen inay la beegsadaan fariisimahooda ay ku leeyihiin duleedka degmada Afmadow.
Waxaa uu sheegay inay dileen 10 ka tirsan Maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday waxaa ay sidoo kale dhaawaceen inka badan 20 kale, iyagoona ka cararay goobtii uu weerarkaan ka dhacay.
Wuxuu ka gaabsaday inuu noo sheego khasaaraha dhankooda soo gaaray.
Warbaahinta KEYDMEDIA oo isku dayday inay Sawiro ka hesho dhacdadaasi ayaa u suura gashay. Halkaan Ka Daawo Meydadka Maleeshiyaadka Shabaabka ee la laayay oo wali goobtii lagu dilay yaalla.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo



Share this page
More News
- Weerar Bambaano oo Xalay lagu qaaday Ciidamo Ka tirsan Booliska Muqdisho
- Qorshe lagu tilmaamay Ciribtirka Al-shabaab oo ka socda Gobolada Dhexe
- Kooxda Axmed Madoobe “Kismaayo Dhiig ayaa ku daadan doona! // Warbixin
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.