Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 5 December 2012 12:05

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo sheegay inay diyaariyeen Haween isqarxisa

Moqadisho (KON) - Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in ay diyaariyeen Haween Soomaaliyeed oo haatan diyaar u ah in ay isqarxiyaan oo ay geestaan khasaaro badan.

Teaser Image Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo sheegay inay diyaariyeen Haween isqarxisa

Wakiilka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan Sheekh Yuusuf Cali Ugaas ayaa sheegay in ay haatan joogaan Haween badan oo doonaya in ay isqarxiyaan kuwaasi oo xigaan u diyaarsan in ay howlgalo sameeyaan.

Isaga oo ka hadlayay degmada Buula-Barde ee gobolka Hiiraan ayuu sheegay in Al-shabaab dagaalka ay wadaan ay ka qeyb qaadanayaan  haweenka ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobalka Hiiraan Sheekh Yuusuf ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Haweenkaan ay dhaqaalohoodii ay ku wareejiyeen Al-Shabaab Naftoodana haatan ay diyaar la yihiin.

Arintaan ayaa waxay qayb ka tahay falalka ay Al-Shabaab ku qaldayaan haweenka iyo waliba caruurta Soomaaliyeed oo ay ugu adeegsanayaan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top