Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 16 April 2012 07:12

Warbixin: Maleeshiyaadka Shabaabka oo Xalay Madaafiic ku Weeraray Garbaharey

Kismaayo (Keydmedia) - Degmada Garbahaarey ee xarunta gobbolka Gedo waxaa maalintii shalay ahayd ka dhacay Qaraxyo is xig xigay oo ay dad badan ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ay ka dambeeyeen Maleeshiyaadka dadka Shacabka ah xasuuqa ku haya ee Shabaab Al-qaacida.

Teaser Image Warbixin: Maleeshiyaadka Shabaabka oo Xalay Madaafiic ku Weeraray Garbaharey

Qaraxyada kadib waxaa ay Maleeshiyaadka Shabaabku xalay magaalada Garbahaarey ay ku weerareen Madaafiic dhalisay khasaaro nafeed oo kala duwan.

Madaafiicda oo laga soo ridaayey duleedka magaalada ayaa waxaa lagu garaacay goobo ay kamid tahay xarunta degmada iyo sidoo kale xarunya WFP oo fariisin u ah Ciidamada huwanta ah.

Inkastoo ay warar kala duwan ka soo baxaan khasaaraha ka dhashay Madaafiicda xalay ay Shabaabku ku weerareen magaalada Garabahaarey ayaa haddan dad goob joogayaal ah ayaa Keydmedia u xaqiijiyay in ku dhawaad 15 oo isugu jira Ciidamada dowladda, kuwa Kooxda Ahlu sunna iyo dad shacab ah.

Waxaa sidoo kale jirta tiro dhaawac ah oo aad u badan taasoo aan ilaa iyo hadda aan la haynin xadigeeda.

Dhanka kalena Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka tirsan TFG-da oo aan la xariirnay ayaa Keydmedia u sheegay in Madaafiicdii ay xalay Shabaabku ku qaadeen magaalada Garbahaarey aysan wax khasaare ah geysanin.

Si kastaba magaalada Garbaharey oo ay shalay gil gileen ilaa 4 qax oo isku xig xigay ayaa waxaa qaraxyadaasi ku geeriyooday 4 qof oo 3 kamid ah ay ahaayeen shacab halka qofka kalana uu askari dowladda ka tirsan ahaa, waxaana qaraxyadaasi ka dambeeyay Maleeshiyaadka Shabaabka.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top