Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 19 March 2012 13:03

Maleeshiyad ka soo Goostay Al-Shabaab oo isu soo Dhiibay Ciidamada Gaandi

Kismaayo (Keydmedia) - Ilaa 20 ka tirsanaa Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ayaa isu soo dhiibay Ciidamada uu hogaamiyo dagal-ooge Maxamed Cabdi Gandi ee ku suggan duleedka degmada Afmadow ee gobbolka Jubbada Hoose.

Teaser Image Maleeshiyad ka soo Goostay Al-Shabaab oo isu soo Dhiibay Ciidamada Gaandi

Maleeshiyaadka isku soo dhiibay Ciidamada Gaandi ee kooxda Shababka ka soo goostay waxaa Xafiiska Keydmedia ee Kismaayo u xaqiijiyay Sheekh Maxamuud Khaaliid oo kamid ah dagaa galiyaasha Ciidamada Gaandi, isagoona intaasi ku daray in dagaalyahanada isu soo dhiibay ay wateen hub iyo gaadiid dagaal kuwaasoo tiradooda uusan sheegin.

In Maleeshiyaadkaan ay ka soo goostan kooxda Shabaabka waxaa ay ka dambeysay wacyi galin iyo dadaal dheeraad ah oo ay galeen Odayaasha Gaandi lahaybta ah ee ku suggan Afmaodw iyo nawaaxigeeda.

Maleeshiyaadka isa soo dhiibay ayaa ka soo jeeda beesha Ogadeen waxana ay la heyb yihiin ninka Ciidamada Kenya dalka ku soo hogaamiyay ee Maxamed Cabdi Gaandi.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top