Moryaanta Gaandi / Madoobe oo Weeraray Ciidamda Dowlada ee Kismaayo
Kismaayo (KON) - Ugu yaraan 1 Askari ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen kadib markii Moryaan Beeleedka Raaskambooni ay weerareen Gaari Maxaabiis saarnaayeen oo Ciidamada Dowalda ay soo xirxireen.
Maleeshiyaadka Ahmed Madoobe ayaa Gaarigaan ay wateen Ciidamda Dowlada, saarnaayeenah dad Ciidamada dowladda ay soo Xir xireen oo isku Haystay dhul Ku yaalla Magaalada Kismaayo ku weerareen bartamaha Magaalada.
Wali ma cada Sababta Maleeshiyaadka Raaskambooni ay u weerareen Ciidamda Dowlada.
Ma ahan markii ugu horeesay ee Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Weeraraayaan Ciidamda Dowlada, Bishii December ee Sanadkii hore ayay Weerar kusoo qaadeen bar Kontarol oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya kuna dileen 8 Askari.
Teer iyo markii ey Magaalada Kismaayo Gacanta u gashay Ciidamda Kenya iyo kuwa R/kamboni ayaa waxaa ka dhacay Dilal Qorsheysan oo lamid ah kuwa Muqdisho laga fuliyo iyo dhac iyo far-ku-fiiq Qabaa'ilka qaarkood oo aan Raaliga ka aheyn Qabsashada Ciidamda Kenyaanka iyo kuwa R/kamboni ee magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo Magaalada qabsaday ayaa qaarkood habeenkii waxey kusoo faafaan Xaafadaha Magaalada Kismaayo waxeyna qalqal ku beeraan Dadka Degaanka.
Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.