Maleeshiyo Beleed oo ka soo Goostay Kooxda Al-Shabaab oo isku soo Dhiibay ...
Kismaayo (Keydmedia) - Maleeshiyaad ka soo goostay kooxda nabad diidka ah ee Shabaab Al-qaacida ayaa isKu soo dhiibay Ciidamada dagaal-ooge Gaandi iyo kuwa Ururka Raaskaambooni ee ku suggan aaga deegaanka Qooqaani ee gobbolka Jubbada Hoose, ayadoona Maleeshiyaadka isa soo dhiibay ayaa watay hub aad u fara badan iyo gaari Dagaal.
Ismaaciil Saxardiid oo ah Taliyaha aaga Qooqaani ayaa warbaahinta Keydmedia u xaqiijiyay in 20 ka tirsan kooxda Shabaabka hub iyo gaari dagaal ay u soo galeen, isagoona sheegay inay si wanagsan u soo dhaweeyeen ragga isku soo dhiibay oo u badnaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay maskaxda ka xadeen horjoogayaasha ajaanibta ah ee diinta ka been sheegay, sida uu hadalka u yiri.
“Ragga isa soo dhiibay waa 20-wiil oo dhalinyara ah waxay wataan gaari Cabdi Bile ah, waxaa saaran qoriga Dhashiikaha ah, sidoo kale waxay wataan 18-AK47, labo qori oo PKM ah iyo weliba hal qori oo Seben ah”, ayuu yiri Taliye Saxardiid oo Keydmedia u waramaayay.
Horjooagayaasha Shabaabka ee gobbolada Jubbooyinka wali kama aysan hadlin arrimaha Maleeshiyaadka ka goostay.Si kastaba arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xili shalay ay kooxda Shabaabka ee magaalada Kismaayo ay shaaciyeen inay isku soo dhiibeen Ciidamo ka soo goostay Ciidamada TFG-da.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
New Video
Share this page
More News
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.