Maxkamad Ku Taala Maraykanka Oo Haweeney Soomaaliyeed Xukun Ku Ridday
London (KON) - Nimca Cali Yuusuf oo ah o Haweeney Soomaali ah ayaa Maxkamad ku taala Dalka Maraykanka waxa ay ku Xukuntay Siddeed Sano oo Xarrig ah ka Gadaal markii ay Qiratay in lacago taageera ah ay u Diri jirtay Soomaaliya taasoo ay ku taageereysey Dhaq Dhaqaaqa Ashabaab.
Maxkamaddan oo muddo dheer dalkaas ka socotay ayaa sidoo kale waxa ay Haweeneydan ku Eedeysey in ay ka been sheegtay Falalkii lagu soo Oogay oo ahaa in Lacago taageera ah ay u diri jirtay kooxda al Shabaab iyadoon taageera buuxda u haysa maleshiyada kooxda al Shabaab oo Waddanka Maraykanka looga aqoonsan yahay inuu yahay Urur Argagixis
Qaar ka mid ah Xeer Ilaaliyaasha Maxkamaddaas ayaa soo jeediyay in Nimco lagu xukumo Toban Sano oo Xarig in kastoo arrintaasi ay si aad ah uga doodeen qareenadii Nmca.
Nimca Yuusuf ayaa lagu Eedeeyay in bil walba ay u diri jirtay xarakada Shabaab Lacago gaaraya Kun Afar Boqol iyo Konton Doolar in kastoo qareenadeedu ay ku doodeen in Lacagahaas ay u diri jirtay Dad ay qaraabo yihiin oo laakiin aanay si toos ah ugu diri jirin Shabaabka.
Nin kale oo isaguna Reer Chikaago ah oo lagu soo Eedeeyay inuu doonayay inuuu Soomaaliya tago kana bar bar dagaalamo al Shabaab ayaa isagana Toban Sano oo Xarig ah lagu Xukumay.
Si kastaba Dacwadda Haweeneydan Soomaalida ayaa muddo dheer soo jiitamaysey iyadoo markii danbana qiratay in lacagahaas ay u diri jirtay maleshiyada kooxda Shabaab.
Wadanka
Share this page
More News
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
- Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Deegaanada Al-Shabaab ay Maamulaan
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.