Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 4 December 2012 23:32

Maxkamad xukuntay in uu Xuduud Badeedka Soomaaliya » 12 Mile « yahay

Nairobi (KON) - Maxkamad ku Taala Dalka Maraykanka ayaa waxey xukuntay in Xuduudka Badda Soomaaliya ay hada kadib dhantahay 10 Mile.

Teaser Image Maxkamad xukuntay in uu Xuduud Badeedka Soomaaliya » 12 Mile « yahay

Maxkamadaan oo la horkeenay Dacwada Burcad Badeed Soomaali ayaa riday Xukun ey ku Go'aamineyso in Xuduuda Biyaha Soomaaliya ey yihiin 12 Mile.

Dacwadaan ayaa imaatay kadib markii Burcad Badeed Soomaali ey geesteen Fal dambiyeedyo burcad badeednimo oo ka dhacay meel 40 mile u jirta xeebta Soomaaliya.

Maxkamadaan ayaa banaysatay in Ciidamada Maraykanka uu xaq u leeyahay in gudaha dalkaasi lagu qaado dacwada eedeysanayaasha.

Garyaqaanada u doodaya Nimankaan ayaa sheegay in dhul-badeedka Soomaaliya uu dhanyahay 200 Mile, Dowlada Mareykankanah eysan Xaq u laheyn in ey ka dhigato 12 Mile si ey Nimankaan u xukunto.

Dowlada Soomaaliya wali Jawaab ma eysan ka bixin Arintaan.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top