Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 8 December 2012 15:36

Maxkamada Ciidamada oo Saraakiil xukuntay & Taliyihii ciidanka Asluubta oo la xukumay

Muqdisho (KON) - Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maantay xukun ku xukuntay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Booliska iyo Militariga dawlada kadib markii lagu eedeeyay dambiyo.

Teaser Image Maxkamada Ciidamada oo Saraakiil xukuntay & Taliyihii ciidanka Asluubta oo la xukumay

Maxkamada oo Maantay fadhi yeelatay ayaa Saraakiil uu kamid yahay Taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Ismaaciil xukuno dul dhigtay.

Saraakiishaan ayaa lagu xukumay:

  • Maxkamada ciidamada waxay ka xayuubisay darajada ciidan uu sitay
  • Inuusan qaban karin xil Qaran dambe.
  • Waxaa lagu xukumay xarig xabsi daa’in ah inta noloshiisa ka hartay.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamda Qalabka sida oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Saraakiishaan lagu eedeeyay Khiyaano Qaran iyo Xiriir ey la leeyihiin Kooxda Shabaab.

Gudoomiyaha ma uusan Faahfaahin eedeymaha mana uusan ka hadlin Sababta loo xukumay Sarreeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaaciil.

Cabdi Maxamed Ismaaciil ayaa ku eedeeysnaa inuu Xiriir la leeyahay Kooxda Shabaab, Keydmedia Online ayaa Labo Bilood kahor kasoo Qortay Xog iyo Warbixin dheer xiriirka uu la leeyahay Hogaamiyaasha Kooxda Shabaab.

Dhanka kale Maxkamada ayaa xukun xarig iyo derejo ka qaadis ku riday agaasimihii garsoorka ee maxkamada ciidamada Xasan Liibya.

Xasan Liibya ayaa isaguna lagu eedeeyay inuu Maleeshiyaadka Shabaab gacan siiyo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top