Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 1 February 2013 08:24

Maxkamada Hargeysa oo dacwad layaab leh u farisatay

Muqdisho (KON) - Magaalada Hargeysya ayaa waxaa ka socota dacwa layaab leh oo markii ugu horaysay ay Maxkamadi u fariisato.

Teaser Image Maxkamada Hargeysa oo dacwad layaab leh u farisatay

Nadra Maxamed Jaamac oo fariin qoraal u dirtay wasiirka madaxtooyada Soomaaliland ayaa xabsi la dhigay ka dib markii ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanka ee maamulka Soomaaliland.

Qabashada gabadhaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan dacwad ka geeyay sal dhiga.

Kiiskaan oo maalmahaanba soo socday ayaa waxaa u fariisatay maxkamada magaalada Hargeysa, waxaana Maxkamada la keenay Nadra Maxamed, sidoo kalana waxaa yimid wasiirka madaxtooyada Soomaaliland.

Qaadiga Maxkamada ayaa sheegay in wasiirka uu ku dacwooday in gabadhaan ay u soo dirtay fariin Aflagaado ah, inkastoo la sheegayo in fariinta gabadhaan ay ku dhaliilaysay maamulka madaxweyne Siilaanyo.

Go’aanka maxkamada ayaa dib loo dhigay ilaa iyo maalinta Sabtiga ah, waxaana arintaan ay hadal heyn badan ku abuurtay shacabka degan magaalada Hargeysa.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top