Maxkamada Sare: Maamul Goboleedyada & Xisbiyada kusoo badanayo Dalka waxba kama jiraan
Muqdisho (Keydmedia) - Maxkamada Sare ee dowladda KMG ayaa ku tilmaamay Sharci darro Maamul Goboleedyada isa soo taraya, Jaamacadaha iyo Axsaabta Siyaasadeed.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in xisbiyada kusoo badanayo dalka iyo dibadiisa ee Soomaaliya ku wajahan ay yihiin kuwo fowda ah, isaga oo maamul goboleedyadana ku sheegay wax aanan jirin oo aanan sharci aheyn.
“Waxana jeclaan laheyn in aan halkaan ka sheegno in sida fowadada ah ee logaga dhawaaqayo xisbiyada dalka iyo dibadiisa laga furayo in aysan aheyn wax sax ah, sidoo kale ma jirto wax dowlad gobleed ah oo aanan dhameyn wax ka badan laba gobol, sharciga uma aqoonsan doono axsaabtaasi iyo maamul goboleedyadaasi,”
Ilka Xanaf ayaa sheegay in si kastaba aysan sharci aheyn in waqtigaan kala guurka ah la furto xisbiyo siyaasadeed, taasi oo uu ku sheegay in loo baahnaa waqti hore, isaga oo ka digay in ay fowdeeyaan sharciyada dalka.
Ugu danbeyntiina waxa uu sidaasi oo kale u cambaareeyey qaar ka mid ah jaamacadaha laga hirgeliyey dalka oo uu ku sifeeyey kuwo u dhisan hab Qabiil.
Fowdada iyo dhibaatada waxaa ka mid ah Jaamcado beel beel ah oo la furayo, beel waliba waxay rabtaa in ay jaamacad furato, jaamacadahaasi waxaa dhaama iskuulo farsamo oo dadka wax tara, sida loo wado jaamacadaha lagu dhawaaqayo waxay keeni doontaa in la kala garan waayo kuwa qaatay shahaadada, jaamacadi aysan aqoonsan wasaarada Tacliinta sare ama jaamacadaha caalamka ma ahan mid la aqbali doono,” ayuu yiri.
Share this page
More News
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.