Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 2 February 2013 16:41

Maxkamadayntii Wariye Koronto oo dib loo dhigay - Sababta?

Muqdisho (KON) - Maxkamadayntii weriye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto iyo afar qof oo kale oo loo haysto inuu ka shaqeeyay Fal fadeexeyn ah oo been abuur ah ka gadaal markii uu sheegay Haweeney iyaduna xiran kuna andacoonaysey in ay Kufsi u gaysteen Askar ka Tirsan Ciidamada dawladda ayaa markale dib loo dhigay.

Teaser Image Maxkamadayntii Wariye Koronto oo dib loo dhigay - Sababta?

Kadib markii ay Maanta hor yimaadeen Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in Maxkamadeytii dib loo dhigay lagana dhigay 5 Bishaan.

Qareenka u doodayay Cabdicasiis ayaa codsaday in dib loo dhigo dacwadda.

Wariyaha oo dacwadiisu muddo dheer soo jiitamaysey ayaa maalinimadii Arbacadii aan soo dhaafnay dib loo dhigay ka gadaal markii ay sidaa codsadeen qareenada u doodaya Wariyaha.

Hay’adda Xuquul Insaanka iyo Ururka Suxufiyiinta qaranka ayaa mudaba waxa ay codsanayeen in wariyahaas cadaaladda la hor keeno iyadoo sidoo kalena arrinta wariyaha ay ka hadleen mas;uulyiinta ugu sareysa ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top