Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 27 January 2012 22:53

Meles Zenawi “Kama baxayno Soomaaliya…!”

Nairobi (Keydmedia) - Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay Maanta oo Jimco ah in Ciidankiisa uu kala baxayo Soomaaliya kaliya marka ay AMISOM la wareegto Goobaha ay hadda ka joogaan Dalka.

Meles Zenawi oo qiray markii ugu horaysay in Ciidamadiisa ka gudbeen xadka Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu ka rajaynayo AMISOM inay la wareegto oo ay buuxiso goobaha ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya, isagoo intaasi ku daray in deg degsiimo aysan ku jiran dowladiisa Askarteeda uga soo saarayso Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa ka horsheegay hadalkan kulanka Madaxda dalalka Bariga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa in ay dhici karto in kooxda Shabab ay dib ula wareegto deegaanada dhowaan laga saaray ee gobolka Hiiran haddii aanan la helin Ciidamo buuxiya booska ay ka baxayaan kuwiisa..

Madaxda ugu saraysa ee dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale horay u sheegay in joogitaanka hadda ay Ciidamadooda joogaan qeybo ka tirsan Soomaaliya uusan la mid ahayn kii Sanadahii 2006 illaa 2009-kii, iyagoo xusay in kan hadda uu yahay muddo kooban oo ay gacan ku siinayaan TFG-da dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabab.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda dowldda Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in dalkiisa uu ka fekerayo qabshada Magaalada Baydhobo ee xaruunta gobolka Bay.

Ciidamada Itoobiya oo wata Baabuurta dagaalka iyo hub culus ayaa gudaha usoo galay Soomaaliya bishii October ee Sanadkii tagay, iyagoo la wareegay Magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiran oo ah Magaalo Istraatiiji ah islamarkaana isku xirta gobolada Koonfureed iyo kuwa Dhexe ee dalka Soomaaliya.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top