Meydka C/laahi Yuusuf oo Muqdisho la keenay, Galkacyana loo Gudbiyay
Muqdisho (Keydmedia) - Diyaarad gaar ah oo siday Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed ayaa kasoo degatay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa si weyn loo adkeeyay Amniga dhamaan Waddooyinka gala ama ka baxa Garoonka, waxaana ku sugan madaxda Dowlada KMG Soomaliya oo uu kamid yahay Madaxweynaha, Ra,iisul wasaaraha Soomaliya iyo sidoo kale Gudiga qaban qaabada Aaska Qaran ee C/laahi Yuusf Axmed (Allahey ha u Naxariistee).
Meydka C/laahi Yuusf Axmed ayaa waxaa laga soo dajiyay Diyaaradii siday, waxaana Dusha Sare kaga dadnaay Naxashka Marxuumka Calanka Qaranka Soomaaliya
Garoonka ayaa waxaa ku sugan Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya, Kooxda Baambayda iyo sidoo kale Masuuliyiinta Safiirada dalalka Deriska la,ah Soomaaliya oo ka qeyb galaya Salaada Jannaasada ah ee lagu Dukaday Meyd Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed
Kadib Munaabadda Salaadii Jannaasada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa waxaa loo qaaday Meydka dhinaca Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya, halkaasi oo lagu wado in lagu Aasayo Maanta.
Sidoo kale Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ku sugan Mas’uuliyiin uu horkacayo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo diyaarinaya Duugta Madaxweynahii hore ee dalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Wafdigii IGAD ee gaaray Kismaayo oo la kulmay Axmed Madoobe
- Madaxweyne Xasan “waxaa dhacay Kismaayo wixii aan ka digaynay”
- Kismaayo: Qax iyo Barakac ka bilaawday // Qoryo la isku Aruusaday - Warbixin
- Iska hor imaad ka dhacay magaalada Kismaayo
- Dhageyso: AMISOM oo ka Hadashay Maamulka Kismaayo // Dowladaan la Safanay
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.