Meydka Ruux Rayid ah oo saaka laga helay Jowhar
Muqdisho (KON) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar gaar ahaan xaafada Horseed waxa saaka lagu arkay meydka qof rayid oo rasaas ka muuqatay jirkiisa.
Goobjooga ayaal ku sugan Jowhar ayaa sheegay in saaka meydka ruuxaan lagu arkay halkaas iyada oo aanan la garanaynin cida ka danbaysa dilkaan, iyo sababta loo dilay ruuxaan intaba.
Wararka ayaa sheegay in ruuxaan hubaysan ee lagu dilay magaalada Jowhar ay toogteen kooxo ku hubaysan Bastoolado kuwaasi oo baxsaday markii ay dilka ay geesteen ka dib.
Xaafada Horseed waxay ka mid tahay afarta xaafadood ee kutaalla degmada Jowhar waxayna ka mid tahay meelihii ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM seddex cisho ka hor la wareegeen.
Ururka Al-shabaab loo maleynayaa inay ka dambeeyaan dilka qofkaasi rayidka ahaa waxaana ciidamadu goobta ay gaareen saaka iyadoo meydkana meesha laga soo qaado muddo kadib.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Kooxda Axmed Madoobe “Kismaayo Dhiig ayaa ku daadan doona! // Warbixin
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.