Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 20 February 2012 09:21

Muqdisho: Dagaalo culus oo xalay ka dhacay

Moqadishu (Keydmedia) - Dagaalka oo u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku saf ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa ka danbeeyey marki xalay saqdi dhexe ay weerar ku qaadeen Al Shabaab fariisinka ciidamada dowlada ay ku leeyihiin Sar-Kuusta oo aad ugu dhaw Koontaroolka Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada dowlada ee aaga Ex-koontarool Afgooye Axmed Yare oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay qasaaro xoog leh gaarsiiyeen kooxihi soo weeraray oo uu sheegay in ay soo galeen iyaga oo aanan ka warheyn halka ay joogaan ciidamada dowlada.

“Xalay waxaa soo gaaray qasaarihi ugu xumaa waayo waxay soo galeen dhufeysyadeena iyaga oo aanana ka warqabin, waxaan dilnay qaar badan sidoo kalana waxaan ka furanay hub iyo saanado, anaga wax dhib ah nama soo gaarin waayo difaac ayaan ku jirnay” ayuu yiri.

Ma jito wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ka warbixiyey dagaalki xalay oo dhacay abaaro 2:00 habeenimo ee goorihi danbe.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa difaacyo xoog leh ka sameystay inta u dhaxeyso Ex-koontarool iyo Sarkuusta.

Keydmedia.Net

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top