Nolasha ay ku Noolyihiin Maleeshiyaadka Shabaab u Qaabilsan Isqarxinta - Warbixin
Kismaayo (Keydmedia Online) - Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab u qaabilsan dhanka fulinta weerarada ismiidaaminta ah ayaa kuwo aad loo xanaaneeno ka hor inta aysan fulinin weerarada ismiidaaminta ah ee ay la beegsadaan goobaha ay dadka ku badanyihiin iyo masuulyiinta TFG-da.
Waxaa la sheegay in Maleeshiyaadka qabilsan fulinta qaraxyada ismiidaaminta ah ee kooxda Shabaab ka hor inta aysan falkaasi fulinin abaal marin looga dhigo Gabdho ay la sii noolaadaan inta aysan isqarxinin ka hor.
Ragga inta badan naftooda haligga ee kooxda Shabaab oo u badan ragg dhalinyara ah oo aan waligood guur soo marin ayaa in Gabdho loo sii guuri waxaa looga gol leeyahay inay ka tagaan ilmo ay iyaga dhaleen si hadhow ilmahaasi loogu yeerro " Wiilkii uu dhalay Mujaahidkii fuliyay Camaliyadii Istishhaadiga ahayd".
Warbixin ay dhowaan soo saartay guddida kormeeka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ku jirtay war ku saabsan noolasha ragga fuliya qaraxyada ismiidaaminta ah ka hor inta aysan is qarxinin.
Maleeshiyaadkaan fuliya weerarada is qarxinta ah ayaa sidoo kale loo balanqaadaa Guurka xoowralciinta janada, hasayeeshee aduunka loogu sii guuriyo Gabdho yar yar si ay ula sii raaxeystaan
Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo
Share this page
More News
- Video: Siyaasiin Soomaali ah oo ku cadaadiyay Dawlada Norway inay… // Daawo
- IGAD: Wixii Kismaayo ka dhacay waa Sharci daro | Dowladda ha looga danbeeyo -Warbixin
- Waa kuma Ninka Askariga Ingiriiskaa London ku Dilay? Warbixin
- R/wasaare Saacid oo ka hadlay Dhaqaalo soogaaray dowlada
- Obama oo ka hadlay Dagaalka lagula jiro Al-Qaacida
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.