Oday dhaqameed oo kamid ahaa Odayaashii soo xulay Baarlamaanka oo la dilay
Muqdisho (KON) - Kooxo ku Hubeysanaa Bastoolado ayaa Galabta ku toogteen Muqdisho Nabadoon ka mid ahaa Odayaashii 135 xubnood ee soo xulay guddigii Ansixinta Dastuurka iyo xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Yuusuf “Codey”.
Goobjoogayal ayaa Wariyaha KEYDMEDIA ONLINE u sheegeen in Marxuumkaan lagu dilay inta u dhaxeysa garaash uu soo dhigtay gaari uu watay iyo guriga uu degganaa oo ku yaalla xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.
Nabadoon Maxamed Maxamuud Yuusuf ayaa kamid ahaa Odayaashii 135 xubnood ee soo xulay guddigii Ansixinta Dastuurka iyo xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Nimankii Dilkaan geesteen ayaa isla markiiba ka baxsadeen goobta uu ka dhacay dilka.
Biloowgii Sanadkaan ayaa isla Xaafada lagu dilay Wariye Xasan Cismaan Fantastic.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.