Odayaal uu Axmed Madoobe dirsaday oo Bu’aalle lagu Xir Xiray
Bu'aalle (KON)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Bu'aalle ee xarunta gobbolka Jubbada Dhexe ayaa ku soo waramaya in Kooxda Shabaab ee degmadaasi ay ku xir xireen ilaa 5 odey dhaqameyd kuwaasoo kamid ah Odayaasha sida weyn looga yaqaano magaalada Bu'aale.
Odayaashaan ay Shabaab xir xireen ayaa la sheegay inay xariir la lahaayeen "Maamulka" magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale ay ilo wareedyo ku suggan Bu'aalle, ay u xaqiijiyeen odayaashaan la xir xiray waxaa ay kamid ahaayeen odayaal ergo ah oo uu dhowaan magaalada Kismaayo ka diray Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha Maleeshiyaadka Raaskamboni.
Lama garanayo waxa ay ka yeelayaan kooxda Shabaab odayaashaan ay ku xir xireen magaalada Bu'aalle, ilaa iyo haddana lama garanayo meel ay jaan iyo cirib la aadeen Shabaab odayaasha ay xireen.
Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo
Share this page
More News
- Dibadbax ka socda Kismaayo
- Kooxda Faroole oo kasoo horjeeda Xukuumada R/wasaare Shirdoon? // Warbixin
- Galmudug: Wasaaradda Waxbarshada oo Digniin ujeedisay qaar kamid Iskuulada
- Sargaal ka tirsan Ciidamada Kenya oo la toogtay
- Mashruucii ugu weynaa ee Hay’adaha Turkiga oo Maantay laga furay Muqdisho // Daawo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.