Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 22 February 2014 06:18

Qarax // Dagaal ka dhacay Degmada Afgooye

Afgooye (KON) - Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Dowladda Soomaaliya ayaa Xalay lagu Qarxiyey Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Teaser Image Qarax // Dagaal ka dhacay Degmada Afgooye

Qaraxa oo ahaa Bamka Gacanta laga Tuuro ayaa waxaa lagu Weeraray Saldhig Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay degmada ku leeyihiin, waxaana la tilmaamay in Askar ka tirsan Ciidamadaasi ay ku Dhaawacmeen Qaraxa.

Saaka ayaa Degmada Afgooye waxaa ka socda Baaritaano lagu qab qabtay Dad aad u badan oo lala xariirinayo in ay qeyb ka yihiin Falalka Amaandaro.

Dhanka kale Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab ayaa Xalay Weeraray Bar koontorool oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku lee yihiin Deegaan lagu Magacaabo Cumar Beere,oo 7KM u jirta Degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxda Al-shabaab ay la Wareegeen Deegaankaasi,ayadoona Dagaalka dhexmaray Labada Dhinac uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac aan la Cadeen.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top