Qarax ka dhacay Baladweyne iyo Khasaaro badan oo ka dhashay
Baladweyne (KON) - Magaalada Baladweyne ayaa waxaa Xalay ka dhacay Qarax Khasaaro badan geestay oo lagula eegtay Ciidamada Itoobiyaanka iyo Ciidamda Soomaaliya.
Qaraxaan oo ka dhacay Isgooska Kalabeydhka Magaalada ayaa ku dhinteen 5 Askari oo Soomaali iyo Itoobiyaan iskugu jiraan waxaana ku dhaawacmeen ilaa iyo 10 kale.
Wararka ayaa sheegaya in Gawaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan lala eegtey Qaraxaan oo ahaa Nooca miinada dhulka lagu Aaso.
Ciidamda Dowlada ayaa Ilaa Saakay ka wada Magaalada Howlgalo balaaran, ilaa iyo hadanah waxaa lasoo qabqabtay 20 Qof.
Ma jiro wax War ah oo kasoo baxa Maamulka Gobolka Hiiraan.
Keydmedia Online - Xafiiska Baladweyne
Share this page
More News
- Shirkii Looga Hadlayay Aayaha G/Dhexe oo Guul ku dhamaaday
- Gobolka Banaadir oo ka hadlay Werarkii UNDP iyo Meydadkii Kooxda
- Kooxo kala taageera X.Dahir, Rooboow iyo Godane oo 16 iska Dilay
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.