Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 21 February 2012 00:19

Qarax xoogan oo ka dhacay Xerada Badbaado

Muqdisho (Keymedia) - Caawa ayaa Xerada Badbaado ee kutaala magaalada Muqdisho lala eegtay Qaraxyo miino oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

Ilaa 3 Qof ayaa ku dhimatay 5 kalana wey ku dhaawacmeen Qaraxaan.

Qaraxa oo laga maqlay meelo badan oo caasimada ah ayaa la sheegayaa in lala damacsanaa ciidamo ka tirsanaa dowlada KMG Soomaaliya oo la socday gaari kuwa loo yaqaano Cabdi Bile.

Warar kale ayaa sheegaya inuu ahaa qaraxa miino la dhigay goob ay ku qayili jireen ciidamada dowlada ee waardiyeeya xerada Badbaado oo ah tan ugu weyn ee ay ku noolyihiin dadka barakaca ah soo dagay magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa dhamaantood ah dad rayid ah oo ka mid ah barakaca ku jira xerada sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joog ah.

Horaanti bishi hore ayaa sidaan oo kale Qarax loola eegtay xero ay ku noolyihiin dad Barakac ah oo ku taala xarunta Siliga Ameerikaanka ee degmada Dharkeenleey.

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top