Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 7 December 2012 21:34

Qarax kale oo ka dhacay Xaafada Islii

Nairobi (KON) - Waxaa goor dhaw ka dhacay Xaafada Soomaalida dagta ee Islii ee Magaalada Nairobi Qarax xooggan, waxaana Qaraxaan uu ka dhacay Albaabka Masjidka Alhidaaya ee waddada Jaam Street.

Teaser Image Qarax kale oo ka dhacay Xaafada Islii

Qaraxaan oo dhacay Daqiiqado kahor ayaa wali cadeyn Khasaaraha ka dhashay, laakiin Warar madax banaan ayaa sheegaya in Dad badan ey ku dhaawacmeen Qaraxaan.

Qaraxa ayaa ka dhacay Albaabka Masjidka Al Hidaaya, markii Salaada Cishaha laha soo baxay.

Ciidamda Booliska ayaa lagu soo daadiyay Magaalada, waxaana Xaafada Islii ka socda Howlgalo ey wadaan Booliska Kenya.

Labo Habeen kahor ayee aheyd markii Qarax ey ku dhaawacmeen 9 Qof uu ka dhacay Islii, waxaana Magaalada Nairobi kusoo badanaya ayaantaan Qaraxyada.

UPDATE:

Sida Warbaahinta loo sheegay Qaraxa waxaa ku dhinteen 2 Ruux meshee 10 kale ey ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmeen Qaraxa waxaa ku jiray Xildhibaanka lagasoo doorto Xaafadda Kamakuunji ama Islii Yuusuf Xasan.

Wixii kusoo kordha kala soco Keydmedia.net

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top