Qarax Xooggan oo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho (Keydmedia) - 7 ruux ayaa inta la xaqiijiyay ayaa ku geeriyootay 11 kalena way ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay Isgooyska Fagax oo ku yaalla Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.
Goobjoogiyaal ku sugnaa Goobta uu Qaraxa ka dhacay Isgooska Fagax ayaa u sheegay Keydmedia in Qaraxa uu ahaa Miinada nooca Remote-ka laga hago, taasi oo ka dhacday Maqaayad ay isagu yimaadaan Ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Dadka ku geeriyooday Qaraxa Miino ayaa waxa ku jira 2 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowlada halka inta kalena ay dhamaan ahaayeen dad Shacab ah oo ku sugnaa Maqaayadda.
Markii uu Qaraxa dhacay kadib ayaa waxaa Goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo halkaasi Baaritaano ka bilaabay inkastoo aysan jirin dad loosoo qabtay Weerarkaasi.
Dadkii ku dhaawacmay ayaa waxaa loola cararay Isbitaalada Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagula tacaalayo Xaaladooda Caafimaad.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Kooxda Axmed Madoobe “Kismaayo Dhiig ayaa ku daadan doona! // Warbixin
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.