Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 15 April 2012 13:29

Qarax Xooggan oo goordhow ka dhacay magaalada Garbahaarey

Kismaayo (Keydmedia) - War deg deg ah goordhow naga soo gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobbolka Gedo ayaa sheegaya in qarax xooggan oo ka dhacay gudaha magaalada, ayadoona qaraxaasi uu sababay khasaaro aad u farabadan.

Teaser Image Qarax Xooggan oo goordhow ka dhacay magaalada Garbahaarey

Qaraxaan oo ahaa Miinada dhulka laga hago ayaa waxaa uu ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ku taalo bartamaha magaalada Garbahaarey.

Inkastoo wararku ay iska soo daba dhacayaan ayaa haddana wararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha qaraxa waxaa ay sheegayaan in ilaa 5 qof ay ku dhinteen 10 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa goordhow ka dhacay magaalada Garbahaarey.

Sida ay dad goobjoogayaal ah Keydmedia u xaqiijiyee qaraxaan ayaa la doonayay in lagu khaarijiyo sargaal ka tiorsan dowladda TFG kaasoo markaasi ka shaahaayay maqaayada la qarxiyay.

Dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa ku geeriyoodayay warar kala duwan ayaa ka soo baxaayo waxa ay isugu jiraa hasayeeshee wararka ugu badan aay soo gaaraaya warqabadka Keydmedia ee Kismaayo waxaa ay sheegayaan in dadka dhintay ay shacab u badanyihiin.

Warbaahinta Keydmedia ayaa hadda ku howlan Faah-Fahin. - Filo dhawaan Warkaan oo faah faahsan.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top