Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 15 March 2012 17:58

Qaraxii ka dhacay W.Galkacyo - Faahfaahin

GAALKACYO (Keydmedia) - Warar dheeraad ah ayaa waxaa kasoo baxaya Qarax Miino oo Maanta ka dhacay Waqooyiga Magalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug.

Teaser Image Qaraxii ka dhacay W.Galkacyo - Faahfaahin

Qaraxa oo ahaa in Miino lagu aasay agagaarka Saldhiga ku yaalla Waqooyiga Galkacyo kaasi oo lala eegtay Madaxa Howlgaladda Booliska ee Maamulka Puntland Muuse Axmed Cabdiraxmaan “Muuse Xasaasi” waxaana ku geeriyooday mid kamid ah ilaaladiisa halka 2 kale oo mid rayid yahay uu ku dhaawacmay.

Madaxa Howlgaladda booliska ee Maamulka Puntland Muuse Axmed Cabdiraxmaan “Muuse Xasaasi” oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan waxba gaarin oo uu badqabo, isagoo intaasi ku daray in ay baarayaan Qaraxaasi Maanta isaga lagu weeraray.

Qaraxan Miino ayaa kusoo beegmay Xilli Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ay wadeen Todobaadyadan Baaritaano ay  kaga hortagayaan Qaraxyada iyo falalka Amni darro ee Waqooyiga Magaalada Galkacyo.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top