Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 10 April 2012 14:21

Qarxyo iyo Weeraro lagu Qaaday Ciidamo Kenyaan ah & khasaaro badan oo ka dhashay

Kismaayo (Keydmedia) - Wararka naga soo gaaraaya deegaanka Xayo ee gobbolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaya in Ciidamada Kenyaanka ah oo ay waheliyaan kuwa Gaandi lagu qaaday qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray Ciidamadii la weerary.

Teaser Image Qarxyo iyo Weeraro lagu Qaaday Ciidamo Kenyaan ah & khasaaro badan oo ka dhashay

Weerarkaan ayaa waxaa geystay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaabka kuwaasoo todobaadyadii ugu dambeeyay badalay taagtikadii ay ku dagaalami jireen.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 12 ka tirsan Ciidamada Kenyaanka ah iyo kuwii Dagaal-ooge Gaandi ee la socda ayaa ku dhintay weerarkaasi halka dhaawacuna uu dhanyahay ilaa 7 qof oo ay u badanyihiin askar Kenyaan ah, sidaasna waxaa Keydmedia u xaqiijiyay Dad goobjoogayaal ah iyo Saraakiil ka tirsan Kooxda Gaandi.

Maleeshiyaadkii Shabaabka ee weerarkaan geystay ayaa cararay ayadoona weerarkaan kadib ay goobta uu weerarka ka dhacay ay soo gaareen Ciidamo gurmad ah.

Xaalada ayaa hadda deggan waxaana halkii uu qaraxa ka dhacay soo buux dhaafiyay CiidamKenyaan ah oo aad u hubeysan.

Keydmedia.net - Kismaayo, Somalia

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top