Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Thursday 18 June 2015 11:48

Qeybo kamid ah Soomaaliya oo Maanta laga soomin

Dhuusamareeb (KON) - Wararka ka imaanaya Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo Ahlusunna xukunto, ayaa sheegaya in Dadka halkaa ku nool lagu Amray in aysan Maanta oo ah Kowda Bisha Barakeeysan ee Ramadaan aysan Soomi karin.

Teaser Image Qeybo kamid ah Soomaaliya oo Maanta laga soomin

Mas’uuliyiinta Ahlusunna ayaa Amarkaasi Dadka u sheegay iyagoona Xusay in maanta aysan aheyn Kowda Bisha Ramadaan.

Maanta oo ah Kowda Bisha Ramadaan ayaa waxaa Sooman Dhamaan Muslimiinta Caalamka,iyadoona Dowladda Soomaaliya ay xalay ku dhawaaqday in ay tahay Maalin Soon 18-ka Bisha June.

Ahlusunna ayaa looga bartay in ay  ay Maalin ka daba marto Bisha Ramadaan Dhalashadeeda iyo Maalinta Ciida oo ay halmaalin dib u dhacdo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top