Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 4 January 2014 11:13

RW Cabdiweli oo Baarlamaanka ka codsaday in ay Dib u dhigaan Sharciyadooda

Muqdisho (KON) - Raisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed ayaa Baarlamaanka Soomaalia ka dalbaday in ay joojiyaan Sharciyada Horyaala Baarlamanka Soomaalia,inta uu soo dhisayo Golahiisa Wasiirada.

Teaser Image RW Cabdiweli oo Baarlamaanka ka codsaday in ay Dib u dhigaan Sharciyadooda

Raisul Wasaaraha ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ugudbiyey Warqad uu uga Codsanayo in Baarlamaanka ay Dib u dhigtaan Sharciyadooda.

Afhayeenka Baarlamaanka soomaalia Max’ed Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaanada kahor Aqriyey Warqada uu soo qoray R/wasaaraha Soomaalia ee Baarlamanka looga codsanayo in ay Shaqooyinkooda ay dib u dhigaan inta uu Soo magacaabayo Wasiirada Cusub ee Xukumadiisa.

Xildhibaanada ayaa aqbalay Warqada ka soo gaartay C/wali Sh Axmed R/wasaaraha Xukumada Soomaalia.

Xukumadii Rw Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa hore Baarlamanka sidaan oo kale oga Codsatay,waana markii Labaad ee Baarlamaanka laga Codsanayo arintaas.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top