Saddex askari oo lagu fuliyay xukunno dil ah
Muqdisho (KON) - Saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah kaddib markii maxkamadda ciidanka qalabka sida ay ku heshay inay horey dilal u geysteen.
Kooxda toogashada u qaabilsan maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa toogatay saddexda askari oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal, halka labada kalena ay ahaayeen dablayaal, kuwaas oo lagu helay dilka dad isugu jira askari iyo shacab.
Xukunka dilka ah oo ka dhacay dugsiga tababarrada ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa lagu fuliyay askari sarkaal ahaa oo aan la shaacin magaciisa, kaasoo maxkamaddu ay ku heshay dilka askari oo uu ugu geystay degmada Wadajir, halka labada eedeysane kale lagu helay inay dad barakacayaal ah ku dileen agagaarka Sayidka.
Lama shaacin xilliga eedeysanayaasha maanta dilka lagu fuliyay ay geysteen dilalkaas kala duwan.
Share this page
More News
- Kooxda Faroole oo kasoo horjeeda Xukuumada R/wasaare Shirdoon? // Warbixin
- Sargaal ka tirsan Ciidamada Kenya oo la toogtay
- Mashruucii ugu weynaa ee Hay’adaha Turkiga oo Maantay laga furay Muqdisho // Daawo
- Ciyaar Saaxiibtinimo oo dhexmartay Ciyaartoy Soomaali ah iyo Ciyaartoyda Burundi
- Madaxweyne Xasan “Kismaayo waxaa ka dhacay, wixii aan ka digaynay”
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.