Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 3 August 2012 11:30

Samsam Farax & Maxamed oo Maanta ordaya Ciyaaraha Olonbikada Aduunka

London (KON) - Orodyahanada Soomaaliyeed Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Farax oo Soomaaliya uga Qeybgalaya Ciyaaraha Olombikada adduunka ee London ayaa Maantay si rasmi ah ka Qeybqaaadan doona Ciyaaraha Orodka.

Teaser Image Samsam Farax & Maxamed oo Maanta ordaya Ciyaaraha Olonbikada Aduunka

Maxamed Xasan Maxamed ayaa wuxuu Ordi doonaa Orodka 1500 Mitir, xiliga Saacada London ay tahay 08:00 Fiidnimo Soomaaliyana ay tahay 10:00 Habeenimo.

Samsam Maxamed Faarax ayaa waxay Ordi doontaa oradka 400 Mitir, marka Saacada London ay tahay 12:00 Duhurnimo halka Soomaaliyana ay ka tahay 2:00 Duhurnimo.

”Ma jiro wax welwel ah oo aan ka qabo cayaartooyda aan la tartamayo in kastoo ay ka kala yimaadeen dalal nabdoon” ayee tiri Samsam oo Warbaahinta la hadashay.

Orodyahan Maxamed Xasan Maxamed oo Soomaaliya uga qeybgalaya cayaaraha olombikada adduunka ee London ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu guul ka keeno tartanka orodka 1500 ee mitir.

Keydmedia.net - Xafiiska London

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top