Sargaalkii Fransiiska oo la diley iyo Howlgalkii Ciidanka Faransiiska oo Fashil ku Dhamaaday
Nairobi (KON) - Warbaahinta Dalka Fransiiska ayaa shaaciyeen in Laheestaha Faransiiska Denis Allex lagu dilay Weerarkii lagu doonayay in lagu soo furto Sarkaalkaan.
Sargaalkaan Sirdoonka Faransiiska u shaqeyn jirey ayaa lagu dilay Weerarkaasi, walina ma cada in ay Kooxda Shabaab dileen ama uu ku dhintay Xabadihii Ciidamda Fransiiska.
Howlgalkaan oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ciidamada Faransiiska ay isku dayeen in ay soo furtaan muwaadin u dhashay wadankaasi oo ay afduub ahaan u heesteen Al-Shabaab sanado badan.
Wakaalada wararka ee AFP oo soo xiganaysa waxaarada difaaca ee dalka Faransiiska ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu noqday mid dhicisoobay, isla markaana ay ku geeriyoodeen labo askari oo ka tirsan ciidamada Faransiiska iyo waliba muwaadinkii la doonayay in la soo baxsado.
Ciidamada Faransiiska ayaa markii ay ku fashilmeen howlgalkaasi waxay dib ugu laabteen halkii ay markii hore ka soo kaceen sida ay sheegtay wasaarada difaaca.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.