Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 27 April 2012 11:33

Sarkaal Mareykan ah oo lagu Dhaawacay Agagaarka Qabuuraha Barakaat

Muqdisho (Keydmedia) - Idaacada ku hadasha Codka Al Shabaab ayaa sheegtay in Sarkaal Maraykan ah oo Magaciisa la yiraado Ariel Marcross ey ku Dhaawaceen Agagaarka Kooxda Shabaab Qabuuraha Barakaat.

Teaser Image Sarkaal Mareykan ah oo lagu Dhaawacay Agagaarka Qabuuraha Barakaat

Halkaas oo markii uu cagta soo dhigay uu la kulmay duqayn madaafiic ah Raaxada looga qaaday halkaasna uu ku dhaawacmay,waa sidey sheegtay "Al Andalus".

Si kastaba ha ahaate waxaa la ogsoonyahay in Ciidamada AMISOM ay Takuleeyn, Tababaro iyo Talaba ay ka helaan Ciidamo isugu jira ugu horeeyn Mareykan, Ingiriis, Israel iyo Faransiis.

Waxaa kaloo la ogsoonyahay oo ay Jornaalo fara badani ay qoreen in Hubka Maalin walba lagu garaacayo dalka Soomaalia khaasatan Muqdisho u yahay Hub halis ah oo lagu tijaabinayo Qaabka u gaarayo wax yeeladiisa iyo saameynta uu ku yeelan karo Nolosha Adamaha.

Dhacdadaan ma jirto wax War ah oo ka soo baxay dhinaca Sirdoonka Mareykanka waxayse Idaacada Al Andalus ku celcelisay in ay Xerada Maslax ee duleedka Magalada Muqdisho ku sugnaayeen Saraakiil fara badan oo ka koobnaa AMINSOM iyo Khubaraa Ciidamada Mareykanka.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top