Sarkaal Mareykan ah oo u shaqeeya Saracen International oo lagu dilay Gobolka Barri
BOSAASO (Keydmedia) - Wararka saakay laga helayo Gobolka Barrie ee Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Hay’adda Saracen International u qaabilsanaa tababaridda Ciidamada la dagaalanka Burcad badeedda ee Maamulka Puntland lagu dilay Gobolkaasi.
Ninkan oo u dhashay Dalka Maraykanka ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay shalay gelinkii danbe Deegaanka lagu magacaabo Timirshe oo ka tirsan Degmadda Isku-shuban ee Gobolka Bari.
Dilka Sarkaalkan ka shaqaynayay Shirkadda Saracen International ayaa yimid sida ay dad Goobjoogiyaal ahaa u xaqiijiyay Keydmedia kadib markii Ciidamada ka tirsan kuwii uu tababarka siinayay uu dhexmaray Dagaal Gacan ka hadal ah taasi oo keentay in rasaastii ay ku fureen Ciidamada Soomaalida ah uu ku geeriyooday.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Sarkaalka la dilay uu hoggaaminayay Ciidamada ka tirsan Maamulka Puntland.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kooxaha ajbaniga ah ee ka howl gala shirkadaasi ay ku howlanaayeen xaalufin iyo baarasho ugu dhaqaaqay Buuraha iyo khayraadka kale ee Gobalada Waqooyi Bari gaar ahaan magaalada Isku-Shuban, iyadoo beelaha daga magaalooyinka Bari Odayaashooda ay Ninkaan iyo Shirkadiisa uga digeen iney joojiyaan howlaha xatooyada ah ee ay ku hayaan kheyraadka ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed. Isla markaana loo baahan yahay in uu joojiyo bililiqada uu ku hayo.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee degaanadaasi ayaa sheegay in shirkadaan ay ku howlan tahay in sunta halista ah ay ku duugto dhulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Ninkaan ayaa la sheegay iney dileen ilaalada Maleeshiyada Faroole, Meydka Sarkaalkan ayaa waxaa saakay laga qaaday Garoon ku yaalla Magaalada Boosaaso,iyadoo loo duuliyay dalka Jabuuti, halkaasi oo Saldhigyo Militeri ay ku leeyihiin Ciidamo Maraykanka.
Keydmedia.net - Xafiiska, Gaalkacyo
Share this page
More News
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
- Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Deegaanada Al-Shabaab ay Maamulaan
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.