Senegal oo ka hartay Koobka Afirica & Equatorial Guinea oo gudubtay
Nairobi (Keydmedia) - Equatorial Guinea oo usoo gudubtay wareega sideeda koobka Qaramada Africa iyo Senegal oo noqday dalki ugu horeeyey oo haro.
Xulka Equatorial Guinea oo ka mid ah marti geliyaasha koobka Qaramada Africa ayaa xalay guul taariikhi ah ka gaaray kadib marki ay ka reebeen tartankan kooxda Senegal oo loo saadaalinayey in ay ku guuleysan doonto.
Equatorial Guinea ayaa usoo gudubtay wareega sideeda iyada oo 2-1 kaga badisay Senegal ciyaar lala yaabay oo ay xasuusan doonaan taageerayaasha Equatorial Guinea.
Kadib marki uu gool u furay ciyaaryahan Randy kulanki xalay ka dhacay magaalada Bata, Senegal waxay ahaayeen kuwo wajaho harid ilaa uu goolka bareejada uga keeeno Moussa Sow daqiiqadii 89-aad, hase yeeshee kubad uu ka toogtay 25 yaardi ciyaaryahan Kily ayaa quusisay isla maraaka Equatorial Guinea u dirtay wareega sideed dhamaadka.
Goolka guusha ayaa yimid daqiiqadi 94-aad ee ciyaarta waxaana uu hurdada ka toosiyey 40,000 oo taageerayaal ah oo ku jiray garoonka Estadio de Bata.
Natiijadaasi ayaa macnaheedu yahay in weeraryahanada Newcastle ee kala ah Demba Ba iyo Papiss Demba Cisse ay dib ugu laaban doonaan horyaalka Premier League iyaga oo aadaya ka hor waqtigi la filanayey.
Dalka Equatorial Guinea ayaa ka mid ah dalalka ugu hooseeya Africa xaga Qiimeynta hase yeeshee hada kor ayey usoo kaceen, waxay kaga jiraan qiimeynta kaalinta 151.
Senegal ayaa la timid koobkan weeraryahanada ugu fiican sida Cisse, Ba, Mussa Saw iyo Dame Ndoye balse waxba kuma aysan tarin.
Hada waxaa booska Senegal gali doonta Zambia oo bar bar dhac 2-2 ah xalay la gashay Libya, waxay kaalinta koowaad ee Group A ku dagaalami doonaan Equatorial Guinea Axada soo aadna.
Libya fursadeeda soo bixisteeda waxay ku xirantahay in ay ka badiyaan Senegal iyo Guinea oo garaacdo Zambia.
More News
- Kulankii London oo Daqiiqado ka hor Furmaya
- Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay
- Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay
- Kooxda Shabaab oo ka baxeen Baydhabo
- Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.