Shabaab Khasaarahii kasoo gaaray Duqeyntii G/shabeeleha Hoose oo sii kordhaayo
Muqdisho (Keydmedia) - Waxaa isasa soo taraya wararka kasoo baxaya duqeyntii dhinaca cirka ahayd ee saaka ka dhacday oo lala eegtay Gawaari ay wateen Horjoogiyaal sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabab-Al-Qaeda oo kusii jeeday Deegaanka lagu magacaabo Gandershe.
Duqeyntan Diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka 60 km ayaa Wararkii ugu danbeeyay waxa ay sheegayaan in tirada Horjoogiyaashii ku geeriyooday Weerarkaasi ay gaarayaan 6 xubnood oo uu ku jiro Hogaamiye sare lagu magaciisa lagu soo gaabiyay Akram oo kasoo jeeda dalka Kenya iyo Sheekh Abuukar Xaaji Amad oo Soomaali ah.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa u sheegay Keydmedia in Diyaaradaha weerarka fuliyay ay ahaayeen kuwa aan duuliyaha wadin ee loo yaqaao Drones-ka,waxaana ay tilmaameen in 6 sarkaal oo Al-shabab ah lagu dilay kuwaasi oo qaarkood ay yihiin Ajaanib.
Weererkan oo aan weli la ogayn Cidda ka danbaysa ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyadda dhinaca Cirka ah ee lagu Qaarijinayo Saraakiisha Sar sare ee Al-Qaeda iyo Al-shabab.
Keydmedia.net - Muqdisho
Share this page
More News
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
- Qarax Ciidamada Kenya lagula eegtay Kismaayo
- Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/hoose
- Ciidamada Iftiin Baasto oo Howlgallo ka wadaan xaafadaha ay Kismaayo ka maamulaan
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.