Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 28 April 2012 00:38

Sharif Axmed oo Dhaliilay Dastuurka Cusub

Muqdisho (Keydmedia) - Madaxweynaha Dowlada KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Dastuurka ayaa sheegay inuusan ku qancin Dastuurka cusub uuna la qabo sida Dad badan uga qeyliyeen.

Teaser Image Sharif Axmed oo Dhaliilay Dastuurka Cusub

Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri “Waxaan qaba sida dad badan u sheegeen in waxyaabo badan oo aan wanaagsaneyn ay ku jiraan dastuurka.” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in walaaciisa ku aadan qodobada dastuurka ee dhaliilaha loo yeelay uu u gudbiyey hay’adaha ku shaqada leh isagoo muujiyey in dib loo eegi doono. “Dad badan siday u tilmaameen waxaa jira waxyaabo badan oo aan habooneyn oo ku jira laakiin in dib loo fiiriyo ayaan rajeyneynaa” ayuu yiri.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli maalin ka hor uu R/wasaaraha C/weli Gaas oo Wareysi siiyey idaacadda VOA uu sheegay in Dastuurka uusan lahayn dhaliil isagoo dadka diidan dastuurkana ku tilmaamay inaysan waxba akhrin oo ay rabaan inay dastuurka “isbaaro u dhigtaa”.

Khilaaf ka taagan ergooyinka Dhaqanka

Madaxweyne Shariif ayaa warar hoose waxay sheegayaan inuusan ku qanacsaneyn qaabka loo wado qorshaha roadmap-ka ee la qorsheeyey in looga gudbo marxalada kumeel gaarka kaasoo uu horseed ka yahay Ra'isul wasaaraha Dowlada KMG ah.

Dhaqdhaqaaqyadaan lagu diidan yahay Road-Map ka ayaa imaanayaan xili xulista ergooyinka dhaqanka ee 135 ka kooban la isku maandhaafay ka dib markii Ra'isul wasaaruhu amray in la bedelo qaar ka mid ah taageerayaasha Madaxweyne Shariif (Aala Sheekh) oo lagu soo buuxiyey liiska ergooyinka beelaha Hawiye ee loo soo xulay diyaarinta golaha cusub ee dastuuriga.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi


Keydmedia // Wadanka

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top