Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 10 December 2012 08:14

Shariif Xasan oo Muqdisho Imaanaya! Sabab?

Muqdisho (KON) - Sidaan horey usoo qornay, Maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho imaanaya Shariif Xasan Sheekh Adan Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Teaser Image Shariif Xasan oo Muqdisho Imaanaya! Sabab?

Shariif Xasan wuxuu ka imaanayaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya waxaana wararku ay sheegayaan in uu imaanayo qorshe gaar ah oo uu ku doonayo in Maamul gobaleed loogu sameeyo afar gobal oo ka mid ah gobalada Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE ayaa xogtaan heshay Sadex Maalmood kahor - Halkaan ka Aqriso Warbixinta.

Magaalada Muqdisho ayaa Shariif Xasan waxaa ku sugaya odoyaal mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale kuwaas  oo ay ka wada shaqaynayaan sidii loo samayn lahaa maamul gobaleed uu madax ka yahay Shariif Xasan.

Maamulkaan ayaa waxaa loo wadaa in loo sameeyo gobalada Bay, Bakool, Gedo, iyo waliba Shabeelaha Hoose sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku dhow dhow Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa ah nin mudo dheer ku soo dhex jiray ciyaasada Soomaaliya waxaana uu labo mar soo dhoqday gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top