Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 20 March 2012 13:22

Horjooge Attam oo Kismaayo soo Gaaray

Kismaayo (Keydmedia) - Wafdi ballaaran oo ka socda Kooxda Shabaab Al-qaacida ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose, ayadoona wafdigaasi uu qeyb ka yahay Sheekh Maxamed Saciid Attam oo hogaamiye u ahaa Maleeshiyaadka ka dagaalama buuraleyda Galgala dhawaana ku biiray kooxda Al qaacidada ee Shabaabka.

Teaser Image Horjooge Attam oo Kismaayo soo Gaaray

Wafdigaan oo sida la sheegay ka soo amba baxay degmada Afgooye ee gobbolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa uu soo maray degmooyin iyo deegaano badan oo ay kooxda falagada ah arrimiso , ayadoona u jeedku ahaa sidii Sheekh Attam oo dhawaan shaaciyay inay kooxda Shabaabka ku biireen loo bari lahaa hogaamiyaasha sar sare ee kooxda.

Shar wadayaasha Shabaab ka tirsan ee wafdigaan la socday ayaa waxaa kamid ah, Sheekh Muqtaar  Roobow, Sheekh Cali Maxamuud Raage, Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaano Ibraahim Afgaan iyo shar wadayaal kale oo aan magacyadooda la shaacinin.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo magaalada Kismaayo ku suggan islamrkaana ka gaabsaday in magacyadooda la xigto ayaa sheegay in horjoogayaasha ay kulamo saacado badan qaatay ay xalay ku yeesheen xaruntii hore ee degmada Kismaayo oo hadda ay Al shabaab ugu magac dareen Jaamac ada Cabdalla Axzaab ee bartamaha magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay inay kulamadaasi ugu hadleen arrimo ku saabsan dagaalada iyo sidii ay Maleeshiyaadka Galgala ay u sii wadi lahaayeen dagaalada iyo weerarada ay ku hayaan deegaanada Puntland.

Attam ayaa sidoo kale loo sharaxay qaabka iyo siyaasada iyo sida ay Shabaab u dagaal galaan taasoo uusan Attam horay u aqoon in.

Sheekh Attam ayaa sidoo kale lagu amray inuu iska qariyo Maleeshiyaadkiisa iyo ragga isaga la shaqeeya si lamid ah sida uu Axmed Godane isku qariyo.

Dambiilayaasha Shabaab ka tirsan ayaa sidoo kale kulaankaasi ku go'aamiyay in hub iyo dhaqaalo lagu taageero kooxda Galgala ee Maxamed Saciid Attam si ay u sii wadaan dagaalada.

Attam ayaa saacadaha soo socda la geyn doonaa gobbolada Jubbada Dhexe iyo Gedo oo ay horjoogayaal Shabaab ka tirsan ay ku sugganyihiin.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo


 

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top