Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 23 February 2012 12:35

Kulankii London oo Daqiiqado ka hor Furmay

London (Keydmedia) - Kulan Caalami ah oo looga hadlayo sida la sheegay “Mustaqbalka Dalka Soomaaliya“ ayaa Saacad ka hor ka Furmay Magaalada London.

Waxaa xawli u ordahaya R/wasaaraha Britain David Cameron si qaab cusub loogu wajaho dagaalka sokeeye, fowdada iyo macluusha wadanka soo wajahday in ka badan labaatan sano.

Wakiilada dowladda ku meelgaarka ah iyo kooxo kale oo Soomaali ah ayaa ka qaybgalaya balse kuma jiraan kooxda Islaamiga ah ee al-Shabaab oo gacanta ku haysa qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

In ka badan konton hogaamiyayaasha gobolka iyo kuwa caalamka ayaa ka qaybgalaya.

Waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah sidii loo heli qaab lagula tacaalo al-Shabaab iyo sidoo kale burcad-badeeda, macluusha iyo dhibaatada ballaaran ee dhinaca qaxootiga.

Keydmedia.net - Xafiiska London

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top