Soomaali laga soo tarxiilay Dalka Mareykanka oo laga soo dajiyey Muqdisho
Muqdisho (Keydmedia) - Maantay ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Sagaal Nin oo Soomaali ah, kuwaasi oo laga soo masaafuriyey Dalka Mareykanka.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa xaqiijiyey ragani in ay soo gaareen magaalada Muqdisho kadib marki ay diyaarad rakaab ah saraakiisha Mareykanka kasoo saareen magaalada Nairobi.
Ka hor inta aanan si xor ah loogu fasixin magaalada ayaa waxaa xiray ragan ciidanka nabadsugida dowlada KMG oo ku sameeyey baaritaan la xiriira in ay yihiin dad horay danbi uga galay dalka iyo in kale sida inoo sheegay C/samad Macalin Maxamuud.
“Waxa maanta la keenay Muqdisho sagaal qof oo dhalashoodu Soomaali tahay oo laga keenay Mareykanka kuwaas oo Soomaaliya loo soo tarxiilay, kadib waxaa la wareegtay hey’ada nabadsugida waxay baartay in ay nimakaaski aheeyeen dinbilayaal oo horay dalka dinbi uga galay kadib waa lasoo daayey xoriyadooda ayaa loo soo celiyey” ayuu yiri.
Sida ay xaqiijisay wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, ragaan ayaa waxaa looga soo tarxiilay Mareykanka danbiyo la xiriira in ay ku galeen si sharci darro ah, waxaana ka hor inta aanan loo suu duulinin Muqdisho ay waaxda socdaalka Mareykanka kala hadleen dowlada FKMG oo aqbashay in dalka loo soo celiyo.
“Sababta loo soo celiyey waxaa weeyey sida safaarada Kenya ee Mareykanka inoo sheegtay, waxay dhamaantood lagu sheegay in si sharci daro ah ku galeen Mareykanka”. ayuu yiri Wasiirka.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
- Qarax Ciidamada Kenya lagula eegtay Kismaayo
- Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/hoose
- Ciidamada Iftiin Baasto oo Howlgallo ka wadaan xaafadaha ay Kismaayo ka maamulaan
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.