Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 3 January 2013 10:54

Soomaalida South Afrika oo loo diiday in ay dib ugu laabtaan Dalkooda

Johannesburg (KON) - Iyadoo maalmihii la soo dhaafay Soomaali aad u fara badan ay ka soo laabanayeen Dalka Kiinya ka gadaal markii loogu baaqay in ay isaga baxaan Dalkaas ayaa dhinaca kale Soomaalida ku dhaqan Dalka Koofur Afrika waxa ay iyaguna bilaabeen in ay halkaas isaga baxaan.

Teaser Image Soomaalida South Afrika oo loo diiday in ay dib ugu laabtaan Dalkooda

Dawladda Koofur Afrika ayaa is hor taagtay sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Dalkaas bixitaanka Soomaalida dooneysa in ay dib dib ugu noqoto dalkeeda.

Dawladda Koofur Afrika ayaa ku Xidhay Soomaalida ku dhaqan Dalka Koofur Afrika in ay la yimaadaan Baasabooro Cusub iyadoona diiday in ay aqbasho ama u Fiiseyso Baasabooradii ay hore u haysteen.

Soomaalida Koofur Afrika ayaa qaarkood waxa ay bilaabeen in Dalkaas si dhuumasha ah ay uga baxsadaan iyagoona gaaraya Dalka Kiinya si ay ugu suurta gasho in ay dib ugu soo laabtaan gudajha Dalka Hooyo.

Soomaalida ku Dhaqan Magoolyinka Koofur Afrika ayaa xiligan abaabul ugu jira sidii ay isaga soo bixi lahaayeen Dalkaas  ka gadaal markii ay la kulmeen Falal arxan darra ah kuwaas oo lagula kaco Soomaalida qaxootiga ku ah Dalkaas.

Si kasta ha ahaatee Cabshooyin fara badan ayaa xiligan ka soo yeereysa Soomaalida ku dhaqan Dalkaas iyagoona codsanaya in loo ogolaado in ay dib ugu laabtaan Dalkooda Hooyo.

Wadanka // Keydmedia Online

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top