Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 2 February 2013 12:44

Suldaan Cabdi Cali Sokor oo lagu Aasay Magaalada Kismaayo

Kismaayo (KON) - Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun - Waxaa Maantay Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Kismaayo Allahu u naxariistee Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi.

Teaser Image Suldaan Cabdi Cali Sokor oo lagu Aasay Magaalada Kismaayo

Suldaan Cabdi Cali Sokor oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya muddo dhowr sana ahna soo hayay Xilka Suldaaninimada Dhulka Waamo ayaa la filayaa in Maanta meeydkiisa lagu Aaso Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Sulddaanka oo muddo dheer xilkaas soo hayay ayaa Taariikh Nololeedkiisa waxaa ka hadlay rag fara badan oo la soo shaqeeyay waayihiisa iyagoona sheegay waxyaabaha lagu xasuusto Sulddaanka in ay ka mid ahaayeen ka waabasho la’aanta Runta Kaftanka iyo Wadaniyad Jacaylka.

Suldaan cabdi Cali Sokor ayaa muddooyinkii danbe waxa uu ku Xanuunsanaa magaalada Nayroobi halkaasoo markii danbana uu ku Geeryooday iyadoona la filayo in isla manta lagu Aaso Gobolka Jubada Hoose.

Si kasta ha ahaatee Suldaanka ayaa waxa uu xukunka ka dhaxlay Walaakiis kaasoo isaguna ka sii dhaxlay Aabihiis, waxaana qaybaha war baahinta soo gaaraya Dhambaalo Tacsiyeen ah oo kala imaanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Warbaahinta Keydmedia Shaqaalaheeda ku kala sugan dunida daafaheeda waxay tacsi tiiraanya leh hawada u marinayaan qoys-kii uu ka geeriyooday Marxuum Suldaan Cabdi Cali Sokor.

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top