Suuqyadii Afleyrshe Iyo Dahablaha oo dib loo furayo
Muqdisho (KON) Maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in dib loo furi doono Suuqyadii ugu waaweynaa magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku xirmay burburkii wadanka soomaray.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu furi doono Suuqyada Muqdisho ee xiran sida Suuqii Afleyrshe ee ku yaala degmada Boondheere, Suuqdii Dahablaha Xamarweyne, iyo waliba Suuqyada kale ee magaalada kuyaala.
Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegay ka dib kulan uu maanta la qaatay dadka ku shaqeesta farsamooyinka gacanta, wuxuuna u balan qaaday in suuqyadaasi loo furi doono dadkaan si ay ugu shaqeestaan.
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa wxaaa ku yaala suuqyo waaweyn kuwaasi oo ku baaba’ay burburkii wadanka waxaana suuqyada baaba’ay ka mid ah Suuqii Ansaloti ee degmada Waabari.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- IGAD: Wixii Kismaayo ka dhacay waa Sharci daro | Dowladda ha looga danbeeyo -Warbixin
- Waa kuma Ninka Askariga Ingiriiskaa London ku Dilay? Warbixin
- R/wasaare Saacid oo ka hadlay Dhaqaalo soogaaray dowlada
- Obama oo ka hadlay Dagaalka lagula jiro Al-Qaacida
- Madaxweyne Qaybdiid oo la dardaarmay dhalinyarada Galmudug
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.