Talyaaniga oo xirtay Burcad Badeed Soomaali ah
Muqdisho (KON) - Magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga ayaa Sadex- saddex sano iyo bar oo xabsi ah ku xukuntay Talaadadii shalay 11 nin oo lagu sheegay in ay ahayeen Burcad Badeed Soomaali.
Raggan ayaa lagu helay dambi ah isku day afduub markab nooca shidaalka qaada oo laga leeyahay Talyaaniga oo la sheegay inay ku weerareen xeebaha bari ee dalka Yemen.
Waxaa ladu eedeeyey in ay Werareen Markabka lagu Magacaabo Valdarno Bishii January 2012. Xeebta Soomaaliyeed ayaa noqotay Ha Xoogsado Ninkii Xoog Badan.
Ciidamada badda ee Talyaaniga ee qeybta ka ah howlgalka NATO ee ka dhanka ah burcad badeedda ayaa gacanta ku dhigay burcad badeeddan wax yar kaddib markii uu fashilmay isku dayga afduubka Markabka sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Talyaaniga.
Talyaanigu iyo Nato waxaa lagu TUHUNSANYAHAY in ay Sharci daro uga kalumeystaan laguna Daadsha sunta Nukleyaarka Xeebta Soomaaliya.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Video: Siyaasiin Soomaali ah oo ku cadaadiyay Dawlada Norway inay… // Daawo
- IGAD: Wixii Kismaayo ka dhacay waa Sharci daro | Dowladda ha looga danbeeyo -Warbixin
- Waa kuma Ninka Askariga Ingiriiskaa London ku Dilay? Warbixin
- R/wasaare Saacid oo ka hadlay Dhaqaalo soogaaray dowlada
- Obama oo ka hadlay Dagaalka lagula jiro Al-Qaacida
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.