Tarsan oo u digay Qurba-joogta Dalka kusoo laabatay
Muqdisho (KON) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa ka hadlay Soomaalida qurbaha ka yimid oo siduu yiri "la yimaadeen dhaqamadii xumaa ee dibada yaalay"
Tarsan ayaa ka digay in Xeebta Liido lagu sameeyo waxyaabo ka soo horjeeda diinta islaamanka.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Haweenka Soomaaliyeed oo ka imaada Yurub iyo Mareykanka ku tilmaamay kuwa Dhaqanka iyo Anshaxa ka lumay.
”Dadkiina qurbaha ka yimid dhaqan ma heysaanee ee anshax isku yeela, waxaad arkeysaa Haween dabaal u yimid Badda oo Baridooda ay muuqato" Ayuu yiri Tarsan.
"Qurbo joogta ka timid Mareykanka iyo Yurub, gaar ahaan Mareykan waxay isku heystaan inay dadka kale ka dhaqan wanaagsana yihiin, war dhaqan ma heysaanee adinkaa u baahan in la idin dhaqan celiyo"
"Gabar Jirkeeda soo qaawisay ayaa waxay wiil la dhexmareysaa Xeebta Liido, bal fiiri sida ay anshaxa ugu dheelayaan" ayuu yiri Tarsan
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.