Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 11 December 2012 09:51

Tarsan oo ugu baaqay ganacsatada in ay maalgashadaan wadanka

Muqdisho (KON) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho aya ugu baaqay ganacsatada Soomaliyeed in ay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameynayaan dalkooda.

Teaser Image Tarsan oo ugu baaqay ganacsatada in ay maalgashadaan wadanka

 

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha gobalka ayaa sheegay in loo baahanyahay isku filnaansho, haatana lagu gaari karo in wadanka lagu sameeyo maalgashi.

Hadalkaan ayaa gudoomiyaha wuxuu ka sheegay xili uu xariga uu ka jarayay hotel cusub oo laga furay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shibis kaasi oo ay furteen ganacsato Soomaaliyeed.

Sidoo kale Tarsan ayaa soo hadalqaaday sida loogu baahanyahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay uga qeybqaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalkeena,  isagoo intaa ku daray in dowladdu ay dhiirigelineyso in ganacsatadu ay maalgashi ku sameeyaan dalkooda.

Hadalka ka soo yeeray gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa wuxuu ku soo adayaa xili isbadal wayn haatan laga dareemayo Muqdisho, oo haatan u muuqata in ay gaarayo nabad iyo horumar. 

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top