Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 2 January 2014 13:07

Tarsan “Gurigii Al-shabaab laga kireeyo waan Burburin doonaa”

Muqdisho (KON) - Gudomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur 'Tarsan' ayaa maanta sheegay in Gurigii lagu arko ayagoo Dagan Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab in ay Burburin doonaan Maamulka Gobolka Banaadir

Teaser Image Tarsan “Gurigii Al-shabaab laga kireeyo waan Burburin doonaa”

Tarsan oo lagu bartay hadalada kulul ayaa sheegay in Gurigii lagu arko, ama laga Kiriiyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ee ku yaala Magaalada Muqdisho in ay si xoog ah ku Burburin doonaan Maamulka Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Maxamuud AXmed Nuur ayaa intaa ku daray in ay jiraan Guryo ku yaala Magaalada Muqdisho islamarkaana Maleeshiyadka Kooxda Al-shabaab ay dagan yihiin oo ay Weerarada ka soo maleegaan.

“Waan ka warqabnaa, waxaa jira Guryo badan oo ay daganyihiin Dhiigyacabka (...) Maamulka Gobalka Banaadir waxaa uu Shacabka Muqdisho oga digayaa in aan Al-shabaab Guryahooda aysan ka kireysan, Al-shabab waa Cadawga Soomaaliya, Dhiiga Islaamka ayey baneysteen” ayuu yiri Tarsan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hore u sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka si feenayaan Kooxda Al-shabaab Al-qaa’ida.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top