U.S. Navy SEALs ayaa xalay xoog ku furtay Shaqaale Ajnabi ah Gudaha Soomaaliya
Gaalkacyo (Keydmedia) - Shan Diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga ey leeyihiin U.S. Navy SEALs ayaa xalay xoog ku furtay Nin u dhashay Denmark iyo Haweeney Mareykanka ah kuwaasi oo lagu heystay bartamaha Soomaaliya.
Kadib markii xalay howlgal uu ka dhacay qeybo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa labo koox oo Ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano US Navy SEALs ayaa waxa ay ku soo furteen Jessica Buchanan, 32 sano jir maraykanka ah iyo Poul Thisted, 60-sano jir Denmark ah kuwaasi oo kooxo burcadbadeed Soomaali ah ku haystay Gaalkacyo tan iyo bishii October ee sanadkii tagay 2011.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ajnabiga ahaa ay dagaal la galeen raga burcad badeedka ahaa, iyaga oo ka hor dagaalkana sun ku furay goobta lagu hayey laba nin, Dadka meshaas noo joogeen ayaa Keydmedia u sheegeen in dagaalki halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen 12 Nin oo burcad badeeda ka tirsan, sadex kalana nolasha lagu qabtay.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen meydadka 12 ruux, iyo qof dhaawac halis daran ah, waxa kale oo ay tilmaameen in ay horay u kaxeysteen sadex kale.
Howlgalkaasi la yaabka leh oo fulay xalay saqdi dhexe, waxa ciidamada Mareyykanka ahaa ay iyaga oo bad qaba ku furteen labada nin ee la heystayaasha ahaa oo u shaqeynayey hey’ada dhinaca miino baarista ah.
Waa marki ugu horeysay oo ay ciidamada Reer Galbeedka kula dagaalamaan gudaha dalka Soomaaliya ama barriga kooxo Burcad Badeed Soomaali ah.
Wali waxaa lagu hayaa gobolka Mudug wariye Mareykan/Jarmal ah oo horaanti todobaadkaan laga afduubay magaalada Gaalkacyo.
Keydmedia.net - Xafiiska Gaalkacyo
More News
- Kulankii London oo Daqiiqado ka hor Furmaya
- Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay
- Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay
- Kooxda Shabaab oo ka baxeen Baydhabo
- Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.